Madaxweynaha Hirshabelle oo muddo 20 bilood ah kadib magacaabay Golihiisa Wasiirada

Published: August 1, 2022
Shares14

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa goor dambe oo xalay ahayd magacaabay Golihiisa Wasiirada.

Golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha ayaa ka kooban 81 xubnood, oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.

Xubnaha la magacaabay lix kamid ah ayaa haween ah, kuwaas oo min laba xubnood ka helay Wasiirada, Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiiru Dowleyaasha.

Madaxweyne Hirshabelle Cali Guudlaawe ayay muddo 20 bilood ku siman ku qaadatay magacaabidda Golihiisa Wasiirada cususb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *