Madaxweynaha JFS oo Dalka kenya kulan kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika

Published: May 31, 2024

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina.

Madaxweynaha iyo xubnihii kale ee ka socday Bangigga Horumarinya Afrika waxa ay kulankooda iskula soo qaadeen haaajinta mashaariicda kutalagal ee ka socda dalalka Afrika iyo sida loo heli karo maalgashi wax ka tara dhaqaalaha qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha, isagoo ku booriyay madaxda Bangiga in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka.