Madaxweynaha JFS oo dhambaal qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Published: May 31, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaas oo uu siday Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geele

Dhambaalka qoraalka ayaa ahaa mid la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, waxaana guddoomay ku-Xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dhanka arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga, Danjire Sacuud bin Maxamed Al-Sati, kaas maanta kusoo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh.