Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galaya shirka IGAD ee Uganda

Published: January 18, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaas uga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya iyo xaalada dalka Sudaan.

Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad oo ay ku mideysan yihiin 12 dal oo ku dhawaaqay in ay dhexdhexaad ka yihiin ama aysan ka qeyb qaadanin colaadaha. Kooxda waxaa ka mid ah Austria, Costa Rica, Finland, Ireland, Japan, Liechtenstein, Malta, Mexico, Monaco, San Marino, Sweden iyo Switzerland.

Horseed Media