Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo baaq ku saabsan qaraxyadii Muqdisho u diray caalamka

Published: October 30, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka codsadey dalalka caalamka iney Soomaaliya usoo diraan dhakhaatiir ka caawisa daweynta dhaawacyada ka dhashey qaraxyadii shaley ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa tilmaamay inaaney suura gal ahayn in dhaawacyada oo tiro badan, in dibadda loo wada qaado.

Madaxweynuhu wuxuu codsadey in dhakhaatiir leh khibrad loo soo diro, si kaalin weyn uga qaataan daweynta iyo qaliimada dhaawacyada aadka u culus.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey mar uu booqday goobtii ay ka dhaceen qaraxyada shaley ee agagarka Soobe ee magaalada Muqdisho.

Horseed Media