Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo ka hadlay xaalada dalka gaar ahaan dagaalka Al-shabaab

Published: December 6, 2022
Shares8

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa si gaar ah diiradda ugu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab gaar ahaanna guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo qabashada degmada Aadan Yabaal.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira Ururka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay garab taagan tahay dowladda.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay xor tahay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna xaqiijiyey in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen degmadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin u diray shacbaka Soomaaliyeed, ayaa ka dalbaday in Al-Shabaab kadib ay u diyaar garoobaan dib u dhiska dalka.

Horseed Media