Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo.

Published: January 21, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, ka sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.


Madaxweyne Deni waxaa sagootinta Madaxweynaha Jubbaland ku weheliyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhawaan ayay madaxda Puntland iyo Jubaland soo saareen warmurtiyeed ay uga hadleen iskaashi wada-shaqayneed oo dhex maraya labada maamul, sidoo kale waxay mawqif cad ka istaageen sharciyadda doorashooyinka, Batroolka iyo warbaahinta oo golayaasha sharci dejinta DFS ay dhawaan qaarkood ansixiyeen.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *