Madaxweynaha Jubaland oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay mashariicda hormarineed & nabadgalyada

Published: July 12, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta  aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay tageerada dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda iyo nabadgalyada.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sidii dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed iyo tageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland oo mashaariic dhowr ah ka fulisay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *