Madaxweynaha Jubaland oo Xildhibaanada & Wasiiradda Jubaland ku matala DFS ku casuumay kulan wadatashi ah

Published: September 18, 2022

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka JFS ee laga soo doortay Jubaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada Federaalka ku matala Jubaland.

Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay masuuliyiinta kala duwan ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubaland isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo Ururka Al-shabaab.

Kulanka wadatashiga ah ee uu shaaciyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan baarlamaanka Jubaland ay u sameeyeen muddo kordhin hal sano ah, taas oo aysan weli ka hadlin Dowladda Federaalka.

Horseed Media