Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Muqdisho-Sawiro

Published: February 5, 2018

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay xubno katirsan labada gole ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kale ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Caddee ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu yahay shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo ammaanka Soomaaliya.

“Maanta Cadowga kaliyah ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Shabaab uu u baahan yahay wadajir in loo wajaho oo aan cid gaar ah lagu halayn si dhibaatada dadka looga dul qaado.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *