Madaxweynaha Kenya Ruto ayaa u magacaabey Madaxweyne ku-xigeenkiisa cusub Prof. Kithure Kindiki

Published: October 18, 2024

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa u magacaabay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Prof. Abraham Kithure Kindiki. Sidaan waxaa ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka Kenya Moses Wetangula maanta oo jimce xili uu socday fadhi gaar ah.

Talaabadan ayaa timid saacado kadib markii golaha Senate-ka Kenya ay Madaxweyne ku-xigeenkii dalkaas Rigathi Gachagua xilka ka xayuubiyeen. Golaha Senate-ka Kenya ayaa taageeray codbixintii hore ee baarlamaanka qaranka Kenya, kaas oo lagu soo oogay Rigathi Gachagua 11 eedaymood oo ay ka mid yihiin musuq maasuq, ku tagri falid iyo hurin colaad qowmiyadeed.

Go’aankan taariikhiga ah ayaa Gachagua ka dhigaya madaxweyne ku xigeenkii koowaad ee Kenya oo xilka laga qaaday sida uu qabo dastuurka dib u habeynta lagu sameeyay sanadkii 2010-kii, taasoo ka hor istaageysa inuu qabto xil dowladeed mustaqbalka.

Prof Kindiki waa qareen horeyna u ahaan jiray Senator deegaanka Tharaka Nithi, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Mount Kenya, oo ah saldhigga muhiimka u ahaa madaxweyne Ruto doorashadii 2022. Doorashada Madaxweyne ku xigeenkan ayaa loo arkaa tallaabo lagu ilaalinayo xasilloonida loogana fogaanayo niyad-xumo kale oo ka dhacda gobolka kadib markii xilka laga qaaday Gachagua.