Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Madaxda Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed

Published: October 10, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Somaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayey oo ay qeyb ka ahayeen Guddoomiye kuxigeenka Wakiilka Koonfur Galbeed kula kulmay magaalada Baydhabo.

Kulankan oo ka qabsoomay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayey masuuliyiintan kaga wada hadleen sidii kheyraadka Batroolka looga faa’ideyn lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha hay’adda Batroolka ahna maareeyaha hay’adda Ibraahim Cali Xuseen ayaa warbixin ku saabsan safarkooda Baydhabo ka siiyey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana uu sheegey inuu yahay safar ay ku xoojinayaan wadashaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda si si wadajir ah looga qeyb qaato soo-saarida Batroolka dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Gudiga Hay’adda Batroolka socdaalkoodi ugu horeyey ee Baydhabo ku tageen, taasi oo muujinaysa dadaalada Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso soo saarida kheyraadka ku jira deeganada Koonfur Galbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment