Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo ku dhintay shil diyaaradeed

Published: May 20, 2024

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, oo ah nin mayal adag oo loo arko inuu yahay ninka bedeli kara hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei, ayaa dhintay ka dib markii diyaaradii uu la socday ay ku burburtay cimilo liidata buuraha u dhow xudduudda Asarbayjan, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta dowladda Isniintii.

Diyaaradda helicopter-ka ee burburtay Axaddii waxaa la socday Raisi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amirabdollahian iyo lix kale oo rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa la helay goor hore oo saaka Isniinta ah ka dib markii habeen hore la baadigoobayay xaalado dabeylo wata.

Hoggaamiyaha Sare ee Khamenei, oo haya awoodda ugu dambeysa isagoo leh go’aanka kama dambaysta ah ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo barnaamijka Nukliyeerka Iran, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka koowaad Mohammad Mokhber, uu si ku meel gaar ah u qaban doono xilka madaxweynenimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

“Waxaan ku dhawaaqayaa shan maalmood oo baroor diiq dadweyne ah, waxaana u tacsiyeynayaa shacabka qaaliga ah ee Iran,” ayuu Khamenei ku yiri hadal uu soo saaray. Mokhber, sida Raisi, waxaa loo arkaa inuu u dhow yahay Khamenei.

Horseed Media