Madaxweynaha Puntland oo bilaabey wadatashiga dhismaha xukuumadda Puntland

Published: February 13, 2024
Said Abdullahi Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabey wadatashi uu ku soo dhisaayo xukuumadda cusub ee Dowladda Puntand.

Madaxweynaha ayaa golaha wakiilada codsi u direy dhamaadkii bishii hore taas oo uu ku codsadey in la siiyo muddo 30 maalmood ah oo dheeraad ah dhismaha xukuumadda taas oo ka bilaameysey 29 Janaayo 2024.

Madaxweyne Deni ayaa bilaabaya habeenimada Salaasada qaabilaada Xildhibaanada Golaha Wakiilada kuwaas oo uu ku qaabilaayo si gobol gobol ah iyo weliba beel-beel, waxaana wararku sheegayaan in qaabilaadu socon doonto ilaa maalinta khamiista.

Dhismaha Xukuumadda cusub ee Puntland ayaan lahayn xamaasaddii ay lahaan jirtey doorashada kadib, ma jiraan olole xusul-duub ah oo loogu jiro ka mid noqoshada wasiirada oo laga dareemaayo Garoowe sidoo kale ma jiraan beelo abaabulan oo xilal u raadinaayo xubno siyaasiyiin ah.

Qayb ka mid ah Golaha xukuumadda cusub ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo todobaadka danbe.

Wasaaradda maaliyadda oo ah midda ugu muhimsan ayaa waxaa si weyn u doonaya siyaasiyiin ka soo kala jeeda gobolada Mudug iyo Nugaal, dhanka kale waxaa la eegayaa qoondada uu siiyo Madaxweynuhu Siyaasiyiinta SSC-Khaatumo oo horey u lahaan jirey wasiiro aad u badan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladiisu ay noqon doonto mid ku dhisan wadatashi iyo dib-u-dhayidda nabaradii ka dhashey doorashadii dhawaan ka dhacdey Puntland, waxaana dhici karta in xubno ka mid ahaa Xisbiyada mucaaradka uu ku soo daro golaha wasiirada.

Horseed Media