Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Puntland.
Shirka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa dakhliga guud ee Puntland iyo Kor u qaadista wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha Puntland.
Shirka waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan, Bangiga Dowladda iyo Ciidanka Booliska Puntland.
Maamulka Puntland ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habeyn ku sameysay hannaanka maaliyadda, taas oo lagu guuleystay in Cashuurtii shacabka dib loogu celiyo