Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Naqshadaynta Bosaso-Sawiro/VIDEO

Published: January 15, 2017

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaadaahfuray mashruuca qorshaha naqshadaynta magaaladda, kaasi oo kor loogu qaadyo bilicda iyo qaabdhismeedka magaalo ee Bosaso, waxaana fulinaya dowladda hoose ee degmadda.

Munaasabadda Daahfurkamashruucani oo lagu qabtay Jidka Sodonka ee Degmadda Bosaso waxaa ka qaybgalay Wasiirka arrimaha Gudaha, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmadda Bosaso, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka iyo Saraakiil ka socotay madaxtooyadda .

Duqa degmadda Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud oo ugu horrayn ka hadlay mashruuca, ayaa faahfaahiyay qaabka loo hirgalin doono mashruuca, wuxuuna sheegay in qaybta kowaad ee mashruucan naqshadaynta magaaladda laga hirgalin doono dhulka aan weli la dhisin, iyadoo wadooyin iyo baakino laga samayn doono, waxaa kaloo uu sheegay in gudaha magaaladda la furi doono wadooyinka xiran, wadooyin cusubna la samayn doono.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay horumarka iyo bilicda magaalada Boosaaso uu qayb weyn ka qaadan doono mashruuca qorshaha nashqadaynta magaalada Boosaaso, isla markaana wuxuuku tilaamay mashruucani mid muhiimad gaara u leh shacabka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Dawladda Puntland.

wuxuu kula dardaarmayshacabka magaalada Boosaaso inay kala shaqeeyaan maamulka degmada iyo laamaha amniga sidii loo hirgelin lahaa loona socodsiin lahaa mashrucan dib loogu soo nooolaynaayo bilicda iyo nashqada Degmada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka bada , iyo masuuliyiinta gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa dhankooda sheegay in mashruucani muhiimad gaara u leeyahay degmada Boosaaso maadaama ay tahay hooyadii Gacansiga Puntland lagama maarmaana ay tahay inay hesho jidadd iyo qaabiyad wanaagsan si ay u suurta gasho isu socod ka ganacsiga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Gabagabadii, Mashruuca qorshaha nashqadaynta Magaalada Boosooso oo kii u horreeyay ee muddo 25 sanno laga fuliyo Bosaso waxaa maalgalinaysaHay`ada UN-HABITAT , waxaana fulinta mashruuca gacanta ku haya Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso, sidoo kale dhismaha iyo dib u habaynta nashqadaynta magaalada ayaa waxaa hirgelindoona shirkadda dhismaha Soomaaliyeed ee SOLO.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *