Madaxweynaha Puntland Oo Gaaray Muqdisho – SAWIRO

Published: March 13, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Waxaa madaxweynaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada Federaalka ah, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kala duwan.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa iska sii horey siiyey Ilaaladiisa gaarka ah oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Safarka madaxweyne Saciid Deni ayaa ku qotoma ka qaybgalka shirka madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *