Madaxweynaha Puntland Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Magaalada Boosaaso

Published: March 11, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen kumeelgaar ah u magacaabay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si kumeel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, halka guddoomiye kuxigeenka loo magacaabay Axmed Nuur Huruuse.

Madaxweyne Deni ayaa horey shaqadii uga joojiyey guddoomiyihii hore ee Boosaaso Cabdisalaan Bashiir , kadib markii lagu eedeeyey arrimo la xiriira ku dhaqan la’aanta maaraynta nidaamka maaliyaddeed ee degmada Bosaso, hase yeeshee Cabdisalaan oo is-casilay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay baaritaan kasta.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

2. Waxaa Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *