Madaxweynaha Puntland oo maanta booqasho ku tegay degmada EYL.

Published: September 3, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo tegay degmada qadiimka ah ee Eyl ee xeebta badweynta Hindiya.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah in la dhiso golihii deegaanka ee shacabku doorteen sanad ka hor, taas oo khilaaf u dhexeeya ururka KAAH ee uu guddoomiyaha ka yahay Madaxweynuhu u qabsoomi weydey bishii Abril 2022, markii la dhisaayey Qardho iyo Ufeyn.

Wararku waxay sheegayaan in la tanaasuliyey musharixii hore ee ururka KAAH wateen xiligii doorashada oo loogu baddalay xilal kale, waxaana la dhisayaa musharaxa ururada kale iyo inta badan xildhibaanada Kaah ay taageereen.

Ka hor inta aan Madaxweyne Deni gaarin demada Eyl waxa uu sii marey degmada Dangoroyo ee isla gobolka Nugaal waxaana uu dhagax dhigay dhismaha wadada isku xiri doonta degmada Dangoroyo Eyl ee Gobolka Nugaal.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in wadadan oo dhererkeedu yahay 105KM ay dhisayso Dowladda Puntland iyo bulshada deegaanka.

Qorshaha dhismaha wadada EYL waxay bilaamatey xili hore, waxaa horey u dhagax dhigey xukuumaddii Cabdiweli Cali Gaas, sidoo kale waxaa mar kale isla dhagax dhigay Cabdiweli Cali Gaas iyo Maxamed Farmaajo oo markaas booqasho ku joogey Puntland, sanadkii 2018.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *