Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimeyaal.

Published: February 25, 2018

Madaxweynaha Puntland ayaa Digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa ku Magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR Puntland, iyadoo xilkaasi uu Madaxweynaha u Magacaabay Saleymaan Xaaji Cabdulle.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntladn ayaa Magacaabay Agaasimaha Waaxda Miino Saarka ee Wasaaardda Amniga waxaana loo Magacaabay Xilkaasi Maxamad Iiman Cabdullaahi .

Digreetada ayaa u qornayd sidan.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeed ee Wasaaradda Amniga iyo DDR Puntland, kadib markii ay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. 26.February 24, 2018, Kuna Saabsan Magcaabida Agaasime Guud iyo Agaasime waaxeed Wasaaradda Amniga iyo DDR Puntland.

Madaxweynaha Puntland Markuu Arkay: Dastuurka Puntland Markuu Tixgeliyay Aqoontooda iyo khibradooda Shaqo.Wuxuu Xeeriyayn Waxaa Suleymaan Xaaji Cabdulle loo Magcaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Amniga iyo DDR

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland waxaa Maxamed Iimaan Cabdullaahi u Magcaabay Agaasimaha Waaxda Miinno Saarka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xeerakani Wuxuu Dhaqan Gelayaa Markuu Madaxwaynuhu Saxiixo Wuuna Saxiixay Madaxwaynuhu.

=DHAMMAAD=

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *