Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Xalinta Cabashooyinka .

Published: January 31, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxmad Cali Gaas ayaa Magacaabay guddiga xalinta cabashooyinka kadib Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada.

Guddiga Xalinta Cabashooyin oo uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa ka kooban shan xubnood

Hadaba hoos ka akhris Wareegtada ka soo baxaday Xafuiiska Madaxweynaha Puntland oo dhammeytiran

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay guddiga xalinta cabashooyinka Dawladda Puntland, kadib markii ay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. 06 January 29, 2018, kuna saabsan Magcaabida Guddiga Xalinta Cabashooyinka Dawladda Puntlan

Madaxweynaha Puntland Markuu Arkay Dastuurka Puntland Markuu Arkay Baahida loo qabo magcaabida gudgida xalinta cabashooyinka Markuu arkay Markuu arkay baahida loo qabo xafiiska ilaalinta cabashooyinka muwaadiniinta Puntland guud ahaan gaar ahaan shaqooyinka imtixaanka loo galo Markuu Tixgeliyay n lahelo caddaalada guud oo loo siman yahay Markuu TixgeliyayAqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqoWuxuu Xeeriyay

Waxaa loo magcaabay gudiga Xalinta Cabashooyinka Puntland oo ka kooban shan xubnood.

Cabdiraxmaan Cali Guureeye Agaasimaha guud ee maamulwanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa loo magacaabay Gudoomiye.

2 .Jaamac Maxamed Cismaan Guddoomiyaha Hanti Dhawrka -ayaa isna loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka.

3 .Cabdirisaaq Nuux Maxamed Agaasimaha Guud Ee Haweenka – Xubin<strong

4 .Maxamed Muuse Ismaaciil Garyaqaanka Guud Ee Puntland – Xubin.

5 .Ciise Maxamuud Cumar Agaasimaha shaqada Iyo Shaqaalaha Madaxtooyada –

Xeerkani Wuxuu Dhaqan Gelayaa Markuu Madaxwaynuhu Saxiixo Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *