Madaxweynaha Puntland oo Safar Toddobaad Qaadanaya ugu ambabaxay Ethiopia iyo UAE-Sawiro

Published: March 10, 2017

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo oo toddobaad qaadanaya ugu ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabka, isagoo kaduulay garoonka diyaaradaha eeBoosaaso

Madaxweynaha Iyo weftigiisa oo ay siisagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawladda Puntland, Maamulka gobolka Bari iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa safarkiisa ku sifeeyay inuu la xiriiroarrimaha amaanka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalada eeDawladda Puntland.

´`waxaan maanta u ambabaxaynaa aniga iyo weftiga aan hogaaminayo safar kooban oo aanu ku tegi doono Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo aanu uga qayb geli doono hawlo la xiriira amniga iyo horumarinta kaaba yaasha dhaqaalaha Dawladda Puntland, illahay waxaan ka rajaynayaa inuu nagu soo guuleeyo socdaalkaas waxbadan oo khayr u ah Dawladda Puntland iyo shacabkeedaba aanu ka keeno kana soo faa`iidno“ Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Gabagabadii, Madaxweynaha Puntland wuxuu kula dardaarmay shacabka Dawladda Puntlandd meel kast oo ay joogaanba inay ka shaqeeyaan nabad gelyadda, xasiloonida, karaamada iyo sharafta dalka, isla markaana ay wadda shaqayn dhow la yeeshaan ciidamada ku hawlan ilaalinta iyo sugida amnigooda si horumar iyo kala danbayn waarta dalku u helo.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *