Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho

Published: April 19, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Muqdisho Masuuliyiinta DFS inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS iyo qaar ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Aqoonyahan iyo waxgarad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Anigu soyaasi ma ihi ma aan jecli siyaasadda laakiin maanta soomaaliya waxaa lagu kala qeybsadaa qabiil, haddii nin ehelkayga uu calafkiisu noqdo in uu madaxweyne ka noqdo soommaliya waan soo dhaweynayaa waxaan kula talinayaa in uu iLaahay kaga baqo amaanadan uu Illahay u dhiibtay waayo Alle SWT ayaa bixiya darajada. oo uu musuqmaasuqa la dagaalamo inta tabartiisa ah.