Madaxweynaha Puntland oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey Jabuuti

Published: August 11, 2020

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa si maqaam sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa qaadan doonta maalmo, waxaana ay ku saabsan tahay xoojinta Iskaashiga labada dhinac.

Jabuuti ayaa dhawaan la timid markab weyn oo nooca Kunteendharada qaada, kaas oo xamuul keenay markii u horerysey dekadda Bosaso, waxaana wararku sheegayaan in Puntland dooneyso xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhanka dekadda iyo ganacsiga.

Waxaa lagu wadaa dhawaan in heshiiska dekadda Bosaso uu sanadkan dhinac u dhaco iyada oo shirkadda lagu wareejiyey ay ka soo bixi weydey heshiiskii. DPWORLD ayaa iyaduna ku eedeyneysa Puntland in ay dhankooda ka soo bixi waayeen wixii ka horeeyey dhisamaha dekadda.

SAWIRO

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *