Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garowe – VIDEO

Published: October 18, 2020

Madaxweynaha Punland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtey magaalada Garoowe kadib safar qaatey 48 maalmood oo uu ugu maqnaa Muqdisho, Nairobi iyo UAE. Madaxweynaha ayaa maanta ka soo duuley dalka Kenya.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa loo saarey guddi heer wasiir ah, waxaana maanta gelinkii hore xirnaa isu socodkaa gaadiidka ee qaar kamid ah waddooyinka Garoowe.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomyhaa baarlamaanka, wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne kale, waxaana uu salaan sharaf ka qaatey ciidanka bambeyda ee Puntland, kadib waxaa loo soo galbiyey Barxadda weyn ee magaalada Garoowe halkaas oo uu khudbad kooban ka jeediyey.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay u maqnaayeen danta Soomaaliyeed, ku guuleysteen in la asteeyo dhabbaha loo marayo isbeddelka iyo xaaladda kala guurka ah.

” Runtii hawl qaran baan ku maqnayn wax badan oo la filayey in horumar laga sameeyo ayaa laga gaaray, waxaan aad uga mahadcelinayaa dhamaan madaxda dowlada federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah…”

Madaxweyne Deni

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *