Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyey Ilhan Omar Omar Fatah iyo Jamal Osman

Published: August 12, 2020
Ilhan Omar, Omar Fatah iyo Jamal Osman

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.

Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna ku guuleystay degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Seddexdaas muwaadin marki ay doorashada galayeen waxay ku galeen soomaalinimo, ee Puntlandnimo kuma galin.. marka erayga ah ( oo dhamaantood reer puntland ah) .. iyaguna ma jeclaysan doonaan , soomaalidi dooratayna waxbay u iftiimee