Madaxweynaha Puntland oo Furay Xarunta Kaydka shidaalka garoonka Bosaaso- VIDEO / Sawiro

Published: February 28, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkadda shidaalka diyaaradaha ee DS aviation Fuel ee garoonka magaalada Bosaso.

Shirkadda oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ayaa ku guulaysatay in ay keento gawaari casri ah, sidoo kalena ay hirgaliso haamaha kaydka shidaal oo qaada 5000 oo fuusto, waxaana diyaaradaha ku xiran garoonka Bosaso ay helayaan Shidaal joogta ah, kaas oo waafaqsan heerka caalamiga ah.

Munaasabada lagu daah-furay Shirkadda Shidaalka Diyaaradaha ee DS Aviation Fuel, ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Xubno ka tirsan golaha wasiirada, maamulka gobolka Bari, maamulka shirkadda, ganacsato, culumaa’udiin, aqoonyahano, siyaasiyiin dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Kadib Kormeerka iyo xarigjarka dhismaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee shirkada ´`DS Aviation Fuel Company“ayaa waxaa uu madaxweynuhu ku ammaanay mas’uuliyiinta shirkada “DS” waxqabadka iyo ganacsiga hurumarineed ee ay ka fuliyeen dalkooda, isla markaana ay geliyeen muruq iyo maalba sidii ay kaydkan shidaal uga hirgelin lahaayeen Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mahad balaaran u jeediyey ganacsatadda iska kaashatay hirgelinta shirka “DS Aviation Fuel Company“ “ waxaana uu madaxweynuhu ku tilmaay inay Puntland u tahay mustaqbal fiican iyo horleh, isla mar`ahaantaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in Puntland markasta garab taagan tahay cidwalba oo danaynaysa maalgashiga dalkooda, isla markaana ay ku amaanayso shacabkeeda ka mira dhalinta halku dhiga ” PUNTLAND HA ISKU TASHATO“.

Madaxwenaha ayaa intaasi raaciyey in gaaroonka caalamiga ah ee Bosaso International Airport uu yahay garoon laysku halayn karo maadaama ay wax weyn ku soo kordhisay shirkada shidaalka diyaaradaha ee “DS Aviation Fuel Company“ “, waxaana uu madaxweynuhu shaaciyey in garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe heer gebageba ah marayo taasina ay guulwayn u tahay Dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Madaxa kaydka shidaalka diyaaradaha ee garoonka Bosaso “DS Aviation Fuel Company` Gorod Maxamad Xasan oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay shirkadda la geliyey juhdi badan si caalamami ahna oo qalabeeyey.
Gudoomiye ku xigeenka shirkadda kayda shidaalka ee garoonka Bosaso”DS Aviation Fuel Company“ Asad Gufurre ayaa ka sheegeeyey marxaladihii kale duwanaa ay soo martay shirkadda

Ugu dambeen madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dhisme cusub oo ay hirgelin doonaan shirkada “DS Aviation Fuel Company ” taas oo ay ugu talagaleen in ay ka sameeyaan kaydka weyn oo lagu kaydin doono shidaalka diyaaradaha.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *