Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha hay`adda wadooyinka Puntland

Published: March 4, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha hay`adda Wadooyinka Puntland (PHA) Maxamuud Cabdinuur Aadankadib markii xafiis kiisa uu ka soo saaray degreeto nambarkeedu yahay LR.21 ee March 03 2017 kuna saabsan xilka qaadis .

Degreetada ka soo baxday xafiiska Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale lagu sheegay i xilkaasi uu si KMG ah u siihayn doono guddomiye ku xigeenka hay`adda Wadooyinka Puntland.

Hadaba xilka qaadista ayaa u qornayd sidan

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay. Garawsaday baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Maamulka sare ee hay`adda Wadooyinka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga sare ee Hay`adda PHA (BOD).

Wuxuu xeeriyey

Wuxuu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay`adda Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan.

Waxaa xilkaas si KMG ah usiihaynaya Guddomiye ku xigeenka Hay`adda Wadooyinka Puntland.

Xeerkani wuxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Faafin Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *