Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu

Published: February 15, 2023
Shares6

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Caluula kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Gardafuu, kan Degmada Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caluula.

Ujeedka safarka Madaxweyne Deni ayaa ah inuu kuurgalo xaaladda deegaanka iyo dhagax-dhigga mashaariic laga hirgelinayo gobolkaasi.

Sarakan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu ku tago gobolka Gardafuu ee bariga Puntland tan iyo markii la doortay.

Horseed Media