Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dib ugu laabtay Garoowe

Published: April 17, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ugu maqnaa dalalka Itoobiya, Kenya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta Dalka dib ugusoo laabtay. 

Waxaa Madaxweynaha Puntland kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Puntland ee Garoowe General Maxamed Abshir, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Masuuliyiinta Goleyaasha Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe , Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada caasimada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Garoowe kula kulmi doona isimada dhaqanka SSC-Khaatumo iyo guddi qaabilsan gurmadka banii’aadanino ee Laascaanood. 

Horseed Media