Published: August 8, 2022

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay illaa seddex lataliye Madaxweyne.
Madaxweynaha ayaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) u magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale Cismaan Yuusuf Maxamuud ayaa loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda.
Waxaa sidoo kale Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.
Horseed Media