Madaxweynaha Ruushka oo baaq u diray dalalka reer Galbeedka

Published: May 4, 2022
by: Khadar Ifiye

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalalka reer Galbeedka ay awoodaan inay gacan ka gaystaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka, taas oo ku iman karta buu yiri iyagoo cadaadis badan saara madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, dhanka kalana ay joojiyaan hubka ay ku baritaarayaan Kyiv.

See the source image

Hadalkan ayuu Putin ku soo qaaday wada hadalkii ugu horreeyay ee dhanka taleefanka ah oo muddo ku dhaw bil uu la yeesho madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Bayaan lagu daabacay barta madaxtooyada Ruushka ayaa lagu sheegay in Putin uu xusay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay iska indhatiraan dambiyada dagaal ee uu aaminsanyahay in ciidammada Ukraine ay galeen, isagoo dhanka kale ku eedeeyay inay madaafiic ku bartilmaameedsadaan xaafadaha la deggan yahay ee gobolka Donbas.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray ciidammada Ukraine.

Dhankiisa Macron ayaa waxa uu ka dalbaday Putin in dagaalka uu joojiyo si dad badan oo rayid ah ay isaga baxaan warshadda Azovstal ee ku taal magaalada Mariupol ee waddanka Ukraine.

Ciidammada Ruushka ayaa duqeyn culus goobtaas la beegtay kaddib markii kooxdii ugu horraysay ee rayid ah halkaas isaga baxeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *