Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay joojinta dagaalka Gaza

Published: May 30, 2024

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in dagaalka Gaza “uusan sii socon karin” isagoo ku celceliyay taageerada Shiinaha ee dhismaha dowlad madax-bannaan ee Falastiin.

“Dagaalku waa inuusan sii socon. Caddaaladdu waa in la helaa. Ballanqaadka xalka labada dawladood waa in aan laga leexan,” ayuu yiri Madaxweyne Xi oo khudbad ka jeediyey Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo ka furmay Beijing.

Xi waxa uu sheegay in Shiinuhu “si adag u taageersan yahay in la sameeyo Dawlad madax-bannaan oo Falastiin ah oo ku naaloonaysa madax-bannaani buuxda oo ku salaysan xudduudaha 1967 iyo Bariga Quddus oo caasimad u ah.”

Xidhiidhka dawladaha Carabta iyo Shiinaha, Madaxweyne Xi ayaa sheegay in dowladiisa garab taagan tahay wadamada Carabta iyada oo sare u qaadeysa xiriirkaasi oo uu sheegay inuu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida adduunka.

Horseed Media