Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gaaray magaalo xeebeedda Berbera

Published: September 14, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo saaka kaga ambo baxay Hargeysa, ayaa gaaray magaalo xeebeedda Berbera.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxana halkaas kusoo dhaweeyey Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Berbera oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka iyo midka degmada Berbera.

Sidoo kale, madaxweynaha iyo weftigiisa waxa si diirran loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii uu ugu kuur-geli lahaa xalaadaha ka taagan degmada Berbera iyo deegaanada hoostaga taas oo ay ugu horreyso arimaha abaaraha iyo amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *