Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay 360 maxaabiis 

Published: May 1, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu maanta soo saaray cafis ugu fidiyay Maxaabiis, kuwaas oo ku jira Xabsiyada kala Duwad ee Somaliland.

Wareegtada ka soo baxayday Xafiiska Madaxweynaha oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-857/052022, ayuu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xidhan.

Tirada maxaabiista uu cafiska u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa gaaraya illaa 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus.

Ugu dambeyn, wareegtada waxaa lagu sheegay in cafiskan uu fulinayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *