Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Hogaamiyeyaasha Mucaaradka

Published: February 4, 2018

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay kulan la qaatay gudoomiyeyaasha labada xisbi ee Wadani iyo Ucid Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Injineer Faysal Cali Waraabe

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska madaxtooyada, waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Waxaa la sheegayaa in kulanku uu ahaa mid looga hadlayey sidii danta guud meel loogaga soo wadajeedsan lahaa oo lagana arrinsan lahaa nabad gelyada gudaha Somaliland

Sidoo kale kulanka ayaa la sheegayaa in looga hadlay sidii wada jir loogaga wada shaqeyn lahaa in aanay doorashadooyinka sanadaha soo socda dhici doono aysan dhaafin waqtigii loo qoondeeyey, mas’uuliyadna la iskaga saari lahaa qabsoomidoodda iyo ka wada shaqeynta arrimaha la xiriira abaaraha markale ku dhuftay gobolo ka mid ah Somliland.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *