Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Wajahan Magaalada Hobyo

Published: January 22, 2018

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in safar dhulka ah ku tago magaalo xeebeedka Hobyo, halkaasoo ay ka socoto qaban-qaabada lagu soo dhoweynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegayaa in dib ugu laabanao magaalada Cadaado, isagoo la kulmaya waxgaradka iyo odayaasha reer Cadaado oo cabasho ka muujiyay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Magaalaada Hobyo ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar garowga ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo marka uu tago Hobyo dhagax-dhigi doona Dekedda Hobyo, isla markaana la kulmi doono bulshada qeybaheeda kale duwan ee Hobyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safaro ku kala bixinaya gobolo badan oo dalka ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *