Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Wajahan Magaalada Cadaado

Published: January 15, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Cadaado, iyadoo shacabka magaaladaasi si aad ah ugu diyaar garoobeen soo dhoweynta Wafdiga Madaxweynaha

Sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya oo lagu xardhay boorar waa weyn ayaa lagu arkayaa goobaha ugu muhiimsan ee magaalada, waxaana dad badan ay isugu tageen xarunta madaxtooyada KMG Galmudug ee magaalada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo uu kulamo kula yeeshey qeybaha bulshada iyo madaxda Galmudug, wuxuu dhagax dhagax dhigay xarunta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hir gelinayo Gaalkacyo

Bulshada qeybaheeda kale duwan ayaa magalaada isugu soo baxay kuwaasi oo qoraxda u taagan soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in saacadaha soo socda magaaladaasi uu gaaro

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *