Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay xogahayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres – VIDEO

Published: March 7, 2017

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay xogyaha guud ee Qaramada Midoobey iyo wefdi uu hoggaaminayo .

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Michel Cheating Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay u fadhiya Yuusuf Garaad Cumar iyo saraakiil ka socotay hay`adaha gar-gaarka bini`aadannimo.

Madaxweyne Soomaaliya mudane Maxamad Cabdullaahi Faraamajo iyo Mudane Guterres ayaa ka wada hadlay xaaladaha adag ee abaaraha ka jira Soomaaliya,iyadoo madaxweynaha uu sheegay, wafdi ka socday Qaramada Midoobay in abaarta xiligan ka jirta Soomaalkya ay u baahan tahay in si dhab ah wax looga qabto.

Waxa uu intaasi ku daraya madaxaweynah Soomaaliya weyne Farmaajo,in isaga iyo Guterres ay ka wada hadleen in gurmadka abaaraha la dadajiyo, isla markaana la badbaadiyo nolosha malaayiin dad Soomaaliyeed oo helis ugu jirta abaarta, isla markaana dowladdiisa lagu gacan siiyo wax ka qabashada arrintaan xannuunka badan, dowladda Soomaaliyana ay waddo dedaallo xooggan la xiriirra sidii aanan marnaba looga hakan lahayn gurmadka Abaaraha iyo in la fuliyo Istaraatiiiyadda ay ka leeyihiin ka hortagga musiibooyinka sida abaaraha oo kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kala hadlay Xog-yaha Q.M ay arrimaha amniga, qorshaha dowladda uga degan, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada oo uu sheegay in laga qaadi doono tallaabbo ay ku mideysan yihiin dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya.

Antonio Guterres, ayaa sheegay dhankiisa in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wax ka qabashada xaaladda adag ee abaaraha, isla markaana iyadoo taasi laga faa`ideysanayo uu ugu baaqayo bulshada caalamka in ay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan dadka masaakiinta ah ee noloshooda helista ku jirto, u jeedada booqashadiisana ay tahay sidii uu Soomaaliya ugu soo jeedin lahaa indhaha bulshada caalamka.

Waa markii ugu horeysay ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uu booqasho u yimaado Soomaaliya , isagoo Soomaaliya ku sheegay in ay muhiim u tahay, maadaama uu in muddo ah ka soo shaqeynayey arrimaha bini`aadannimada, dowladdana uu kala kulmay wiji cusub oo ku aaddan iskaashi iyo ka howl-gelidda abaaraha iyo ka hortaggooda.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *