Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir

Published: November 20, 2022
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ah:

  1. Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda
  2. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga 
  3. C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada 
  4. Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud
  5. Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar 2022.

Horseed Media