Madaxweynaha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jarmalka ee Soomaalya iyo Kenya

Published: March 8, 2017

Mudane Maxamad Cabdullaahi farmaajo madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku qaabilay xafiiskiisa safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Safiirka Jarmalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii labada dal, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Fedraalku ay diyaar u tahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyey Jermalka iyo Soomaaliya.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jarmalka gacan ka geysato gurmadka dadka.

Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jarmalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *