Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dhigiisa Shiinaha kula kulmay Sacuudiga

Published: December 9, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Xi Jinping waxaa uu soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Horseed Media