Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo markii labaad u safray dalka Ereteriya

Published: November 10, 2022

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sidii Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas ugu kuur geli lahaa xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaaad ee Madaxweyne Xasan uu ku tago dalka Ereteriya tan iyo markii la doortay.

Horseed Media