Madaxweynaha Ukraine oo codsi u diray Reer Galbeedka kadib weeraradii Ruushka

Published: October 12, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa wadamada Reer Galbeedka ka codsaday inay cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogaan Ruushka, kadib weeraradii Isniintii dhacay.

Madaxweyne Zelensky ayaa ka dalbadey Reer Galbeedka inay raadiyaan habab cusub, oo ay cadaadis siyaasadeed ku saarayaan Ruushka, ayna ku taageeraan Ukraine.

Dalabkan ayaa yimid ka dib markii ay kulmeen madaxda ku bahoobay kooxda G7, ee wada-hadallada degdegga ahaa maalintii Talaadadii.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gantaalada Ruushka lagu garaacay gobolo ka tirsan dalka Ukraine.

Horseed Media