Madaxweynaha Venezuela Nicokal Maduro oo qarax ka badbaadey

Published: August 5, 2018

Madaxweynaha Venezueala Nicolas Madura ayaa lagu weeraray xili uu khudbad u jeedinaayey dadweynihiisa taas oo si toos ah looga daawanaayey Telefishanka, weerarku markii uu dhacay ayaa la arkaayey Maduro oo cirka eegaya iyo askartiisa oo isku hareereeyey iyaga oo ku qaraniyaaya wax ka difaaca xabadda.

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsadey Drone ama aalada yar ee duusha ee dhulka laga hago

Wasiirka Warfaafinta ee dalkaas Jorge Rodriguez ayaa xaqiijiyey in weerarkan loo adegsadey Drone dhawr xabbo ah, taas oo xanbaarsaneyd qaraxyo box lagu soo ridey.

Qaraxa ayaa ku dhacay askartii banaankiisa taagneyd ee saf-safka u taagneyd, waxana la arkaayey qaarkood oo dhiig ka da’aayo.

Weerarkan waxaa sheegtey koox isku magacaabtey “Soldados de Franeles”, kuwaas oo fariimo qoraal ah ku soo gudbiyey Twitter-ka. Maduro ayaa ku eedeeyey ultra-right oo uu ula jeedo Xisbiga ka soo horjeeda ee mucaaradka ah iyo weliba Kolombiya.

Dalka Venezuela ayaa kadib geeridii Madaxweynihii hore Hugo Chaves la daaladhacaya burbur dhaqaale, sicir barar, shaqo la’aan iyo muran siyaasadeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *