Madaxweyne Axmed Madoobe Oo La Kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi

Published: January 1, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Maanta hoyga uu ka degan Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Kulanka Madaxweynaha iyo Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka oo ay ka muuqato cago-jiid farabadan iyo is qab-qabsi ka dhashay kuraasta doorashada qaar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *