Madaxweyne Deni iyo Safiirka Midowga Yurub oo ka wada hadlay Mashaariicda Horumarineed

Published: September 16, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horeysay ku timi Puntland.

Kulan waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarin, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Kulanka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Horseed Media