Madaxweyne Deni Oo Daahfuray Shirweynaha 4aad Ee Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP) – VIDEO

Published: February 27, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP), wuxuuna hadal u jeediyay in ka badan 100 weriye oo ka kala yimi degmooyinka iyo gobolada Puntland, kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka golaha guud ee ururka warbaahinta Puntland.

Sidoo kale daahfurka shiweynaynaha 4aad ee suxufiyiinta Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo ururada bulshada rayidka Puntland.

“Maanta inaan halkan idiinku imaado waxay la midtahay anigoo Baarlamaanka tegay muhiimadda aad noo leedihiin, waxaan idiin rajeyn inaa si wanaagsan isu doorataan ”

Madaxweyne Deni

Dhanka kale Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay weriye Kilwe oo xabsi ku jira illaa iyo 27 Disember 2020 ayaa sheegay inuu yahay dambiile dhowaana kiiskiisa lasoo gabagabaynayo, inkastoo aysan weli maxkamad ku helin dambigaas.

“Wariye Kilwe waxa uu ahaa shaqsi doonayay in si dhaqso leh lagu barto, hase ahaatee waxan rajaynayaa inuu xoriyadiisa dib u helo.”

Madaxweyne Deni

Ugu dambayn madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa suxufiyiinta kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada, isla markaana shacabka ku baraarujiyaan nidaamka dimuqraadiyada ee u gudbayso Puntland.

Shirweynaha 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland ayaa soconaya laba berri, waxaana seddexdii sano mar lagu doortaa hogaanka cusub ee ururka sida guddoomiye, kuxigeen, xoghaye iyo khasnaji.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *