Madaxweyne Deni oo Dowladda federalka ku eedeeyay inay diidan tahay dimuqraadiyadda

Published: May 9, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay madaxda Dowladda federalka ee Soomaaliya inay dagaal xooggan kula jiraan hanaanka dimuqraadiyadda ee Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse ay isku raaceen inay diidaan dimuqraadiyadda.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaruhu waxay isku raaceen inay dimuqraadiyadda diidan yihiin oo ay la dagaalamayaan. Hadaladoodii waxaa ku jiray 2013 waa la fashiliyay, haddana ma dhacayso. Waxay caddeeyeen inay maalintaasna iyagu diidanaayeen, maadaama madaxweyne Xasan Sheikh uu xilka joogay” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay markii Puntland ay ka billaabatay diiwaan galinta doorashada in Garowe iyo Laascaanood ay ka dhaceen rabshado lagu fashilinayo diiwaan galinta doorashada.

Sidoo kale waxa uu arrintaas ku eedeeyay inay iska kaashadeen Dowladda federalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhinaca madaxweyne Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisal wasaare Xamse, isagoo ku tilmaamay inuu yahay xoghayaha madaxweyne Xasan Sheikh, Wuxuu sheegay shaqadiisa iyo masuuliyadiisa in uusan u madax bannaanayn.

Horseed Media