Madaxweyne Deni Oo Kormeeray Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Deegaanka Puntland

Published: December 9, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybta la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda deegaanka iyo dhammaan xafiisyada wasaaradda, waxa uu la kulmay shaqaalaha wasaaradda ee xarumaha saadaasha cimilada ee degmooyinka Puntland oo ku Jira tababar, waxaana uu kulan la qaatay masuuliyiinta wasaaradda oo ay weheliyaan guddiga dhowaan dowladdu u saartay Ayaxa, halkaasi oo ay ku kala xog qaateen.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa kormeeray wasaaradda Caafimaadka qaybta wicidda deg-degga ah ee ka jawaabidda cabashada caabuqa Covid-19 iyo qaybta kaydka daawooyinka, isagoo masuuliyiinta wasaaradda kala qeybgalay shirka dib-u-eegista xogta Caafimaadka Puntland oo ka socda xarunta wasaaradda.

Kormeerka madaxweyne Deni uu ku marayey xarumaha dowladda ayaa ku qotoma korjoogtaynta shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan bulshada Wasaaradaha iyo hay’addaha Dowladdu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *